Forside

Ku soo dhawoow HADSEL ASVO

Hadsel ASVO waxa ay ku taalaa Melbu waana shirkad kaa caawinaysa sidii aad u shaqo geli lahayd. Shaqadayadu waa in aannu ka qaybqaadano sidii aad u heli lahayd shaqada kugu habboon ee aad ku qancaysid. Arrinkaas adiga iyo annaga ayaa wada samaynayaa iyadoo la eegayo rabitaankaaga iyo aqoonta aad leedahay.

Si shaqogalku kugu sahlanaado, waxa aannu ku siinaynaa shaqo laylin ah (tabobar). Shaqada layliga ah waxa aad ku jiri kartaa ilaa 3 sanno. Baaxadda shaqadaadu waxa ay noqonaysaa 18,5 saacadood todobaadkii ama ka badan. NAV ayaa codsatay in aad nagu soo biirtid, waxaanad kaalmada dhaqaale ka helaysaa NAV marka aad nala joogtid annaga. Dhaqaale kale oo aan aheyn ka NAV ma heli doontid marka aad ku jirtid shaqada layliga ah. Laakiin ujeedadu waa in lagaa caawiyo in aad heshid shaqo joogto ah marka aad diyaar u tahay.

  • Marka aad shaqo layli ah ka haysid shirkadayada, ama shirkado kale, ujeedadu waa in aad heshid farxad iyo fursad aad horumar ku samaysid.
  • Marka aad kordhisid aqoontaadaa oo muujisid in aad rabtid inaad gashid shaqada layliga ah waxa noo fududaanaysa in aan kaa caawino sidii aad u heli lahayd shaqo rasmi ah.
  • Waxa aad fursad u helaysaa barashada luuqadda noorweyjiga.
  • Waxa aad arkaysaa sida ay nolosha shaqo ee Noorwey tahay.
  • Waxa aad baran kartaa dad aad xidhiidh la yeelatid.
  • Waxa aad baraynaysaa sida loo qoro codsiyada shaqada iyo sida loo galo waraysi shaqo.
  • Inagoo la kaashanayna abbaanka waxa aynu samayn doonnaa qorshaha muddada aad ku jiraysid layliga shaqo, iyadoo ahmiyadda la siinayo waxyaalaha ugu muhiimsan inaad baratid.
  • Dukaanka alaabta duugga ah
  • Meesha dharka lagu dhaqo
  • Qaybta nijaarnimada
  • Maqaaxidda/nadaafadda
  • Qaybta dayactirka
  • Qaybta dib u isticmaalka alaabta
  • Shaqaale xafiis oo ka tirsan maamulka 

Hadsel ASVO waxa ay leedahay qaybahan kala duwan oo aad layli shaqo ka geli kartid:

 

  • Dukaanka alaabta duugga ah
  • Meesha dharka lagu dhaqo
  • Qaybta nijaarnimada
  • Maqaaxidda/nadaafadda
  • Qaybta dayactirka
  • Qaybta dib u isticmaalka alaabta
  • Shaqaale xafiis oo ka tirsan maamulka 

 

Kontaktinfo

Hadsel ASVO
Strandgata 58
8445 Melbu
Tlf: 761 18 600
Denne e-postadressen er beskyttet mot programmer som samler e-postadresser. Du må aktivere javaskript for å kunne se den.

Facebook